Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madxaweynaha Maamulka KGS LAFTA-GAREEN oo si buuxda ula saftay Madaxweyne Xasan sheikh maxamuud

Khamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa olole ugu jira sidii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ula meel-mari lahaa qodobada ku jira heshiiskii golaha wadatashiga ee la gaaray bishii May ee sanadkaan.
Laftagareen oo si buuxda ula soo shaqeystay kooxdii Farmaajo ayaa hadda sidii oo kale ula shaqeysta dowladda federaalka ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, wuxuuna u muuqdaa nin duruufaha taagan wax ku goosta
Madaxweyne Cabdicasiis ayaa Baydhaba ugu yeeray inta badan xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda K/Galbeed, isagoo ku qancinaya inay xukuumadda Xasan Sheekh ku garab siiyaan meel-marinta heshiiskaas
Laftagareen ayaa la sheegay inuu aad u daneynayo qorshaha lagu bedelayo nidaamka hoggaanka sare ee DF oo Xasan Sheekh uu doonayo in laga dhigo madaxweyne iyo maxaxweyne ku xigeen.
Reer K/Galbeed ayaa qorshahaan u arka fursad ay uga gudbi karaan kursiga guddoomiyaha golaha shacabka oo muddo ay dhaafi weysnaayeen.
Soomaaliya ayaa ku biireysa dowladaha isticmaalaha hanaanka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, hadii uu qorshahaan ansixiyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga guurayaa nidaamka ra’iisul wasaaraha
Madaxda dowlad goboleedyada ayaa heshiiskii bishii May ee golaha wadatashiga qaranka waxay ka heleen muddo kororsi, balse ilaa hadda ma jiro hoggaamiye sida Laftagareen ugu ololeynaya ansixinta heshiiskaan
Madaxda qaar waxaa la sheegay in muddo kororsiga kaliya ay fursad u arkaan, balse aysan dooneyn inay olole u galaan ansixinta qodobada kale ee ku jira heshiiska, kuwaas oo sababaya in lagu qoro dastuurka
Xasan Sheekh ayaa dhawaan si buuxda ula saftay Laftagareen, kadib markii mucaaradkiisa ay isku dayeen iinay doorasho geliyaan maamulka Koonfur Galbeed, balse inta aan la gaarin Laftagareen, waxaa doorashada diiday Xasan Sheekh, maadaama uu ku jiro dagaalka Shabaab iyo meel marinta qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA