Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Mucaaradka Puntland oo laga saaray Magalada Garowe ka dib Wadahadalo Socday

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Isimada Dhaqanka SSC Khaatumo oo Magaalada Garoowe ka waday dadaalo ay ku dhex-dhexaadinayaan Madaxweynaha Puntland iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku guuleystay iney xaalada cagaha u dhigaan
Maamulka Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka
Isimada Dhaqanka ayaa ku guuleystay inay mucaaradka ku qanciyaan gudaha caasimadda Garoowe in laga saaro ciidankooda, iyagoo sidoo kalena kuwa maamulka Madaxweyne Deni lagu adkeeyey inaysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo xiisad abuuri kara
Qaar kamid ah Isimada Dhaqanka SSC ayaa sheegay inay ku rejo weyn yihiin in ay wada-hadal isugu keenaan labada dhinac, si xal loogu helo ismarin-waaga doorashada madaxtinimo ee ka taagan Magaalada Garoowe oo qarka u saaran inuu isku bedelo dagaal iyo gacan ka hadal
Isimada Dhaqanka ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ka ogolaaday in uu wada-hadal la galo Siyaasiyiinta mucaaradka
Dadaalada kala duwan oo ay wadaan Isimada Dhaqanka SSC ayaa weli socda si xal waara looga gaaro muranka doorashada ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaadka yahay iyo Siyaasiyiinta mucaaradka, kaasoo sababay in cabsi aawgeed ay magaalada Garowe ka barakacaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA