Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Qatar oo shaacisay xiliga cusub ee ay bilabaneyso xabad joojinta Xamaas iyo Israel

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ayaa bilaabmi doonta 7-da subaxnimo {05:00 GMT} ee wakhtiga maxaliga ah Jimcaha beri ah, waxaana la sii dayn doonaa la haystayaasha rayidka ah ee ugu horeeya 4-ta galabnimo {14:00 GMT} sida ay ku dhawaaqday dowlada Qatar
13 haween iyo carruur ah ayaa la sii dayn doonaa, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, Majed Al-Ansari
Tiro aan la shaacin oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in la siidaayo 4-ta galabnimo ee waqtiga maxaliga ah kadib markii la heystayaasha laga soo daayo Gaza, sida uu shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka Qatar
“Waddada ay maraan la haystayaasha la sii daayay lama shaacin karo sababo ammaan dartood, Qatar waxay si dhow ula shaqeyn doontaa Laanqeyrta Cas” ayuu yiri al Al-Ansari
Liiska la haystayaasha la filayo in la sii daayo ayaa lagu wareejiyay sirdoonka Israa’iil ee Mossad, wada-hadallada u dhaxeeya dhammaan dhinacyada dhexdhexaadinta ayaa socday ilaa saaka, ayuu yiri Al-Ansari
Israa’iil waxay “baaraysaa faahfaahinta liiska waxayna la xiriirtaa dhammaan qoysaska la afduubay,” ayuu yiri Ofir Gendelman oo ah afhayeenka ra’iisul wasaaraha Israa’iil
Xabbad-joojintan ayaa loo qorsheeyay inay bilaabato Khamiista maanta ah laakiin dib baa loo dhigay sababo farsamo awgood. Sida uu dhigayo heshiiska Israel iyo Xamaas
Ugu yaraan 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Gaza ayaa la sii dayn doonaa sidoo kale 150 falastiiniyiin ah ayaa laga soo deynayaa xabsiyada Yuhuuda waxaa sidoo kale gargaar iskugu jira cuno iyo shidaal la geyn doonaa Gaza afarta maalmood ee uu socdo heshiiska xabad joojinta
“Qatar waxa ay heli doontaa liis ay ku qoran yihiin magacyada la haystayaasha oo la filayo in Xamaas ay ku sii daayaan “hannaan maalinle ah,” Majed Al-Ansari
“Qatar ayaa magacyada ku wareejin doonta hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, taasoo iyana ku wareejin doonta liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee la filayo in loo sii daayo” ayuu raaciyay
Dowlada Qatar ayaa door weyn ka ciyaartay qaban-qaabada heshiiskan xabad joojinta ioyo maxaabiis is dhaafsiga ah, waxaana ku wehliyey Mareykanka iyo Masar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA