Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faah faahino Laga helayo Ciidamada KENYA oo weerar culus ku qaaday goob ay ku sugnaayeen A.S

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay shalay ciidamada Kenya ku qaadeen goob ay A.S kaga sugnaayeen deegaanka Dabalwein oo ku dhaw Ijara ee ismaamulka magaalada Garissa

 

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan hal dagaalyahan, ayna ku dhaawaceen tiro kale

 

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay cagta mariyeen goobta ay ku sugnaayeen xubnaha, ayna ka heleen sadex qori oo AK47 ah, 90 xabo oo rasaas ah, dawooyin iyo waxyaabo kale
Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay heleen sahay caafimaad iyo agabka laga sameeyo walxaha qarxa, sida ay hadalka u dhigeen

 

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda deegaankaas oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan

 

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda A,S oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Kenya

 

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Booliska Kenay ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah A,S ee ay ka wadaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, ayada oo ujeedka uu yahay in la xaqiijiyo amniga, lagana hortago weerarada hubeysan ee kooxda

 

Si kastaba, waxaa ka horreeyay weerar kale oo dhowaan lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ahaan jiray dhaqaatiir, kadib weerar ay booliisku ku qaadeen xeruntooda oo ku taalla deegaanka Fafi oo isna hootsga ismaamulka Garissa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA