Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israaiil iyo Xamaas oo Heshiiska Maxaabiis is dhaafsiga oo maanta laga sugayo inuu dhaqangalo

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa in uu si dhab ah u dhaqangalo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ah ee Xamaas iyo Israaiil ay todobaadkaan ku gaareen Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Carbeed ee Qatar si loo helo xabbad-joojin waqti kooban ah
Xamaas waxa ay maanta sii deyneysaa Maxaabiis ay kasoo qafaalatay Yuhuudda oo gaaraya 13 ruux oo dhammaantood ah Haween & Carruur waxaana dhankooda loosii daynayaa Dad kale oo Ciidanka Israaiil ay ka afduubteen Magaalada Gaza
Israaiil ayaa ku qasban fulinta heshiiskaan iyada oo ugu horreyn xabbad-joojinta dhaqangelisay aroornimadii hore ee Jimcaha Maanta si loo helo marin nabadgalyo ah oo suuragelin kara in la adkeeyo wada-xaajoodka labada dhinac
Qaabka Maxaabiista loo kala wareejinayo ayaa lagu sheegay in Xamaas ay keeneyso kaddib Israaiil ay sii deyneyso iyada oo ay soo gudbineyso liiska Dadka ay hayaan sida lagu sheegay war uu daabacay Teleefishinka Aljazeera
Xamaas ayaa Maxaabiista Yuhuudda ah waxa ay geyneysaa Marinka Rafax ee ah Xuduudda Magaalada Gaza ay la wadaagto Jamhuuriyadda Carabta Masar maadaama Israaiil ay ku kalsoon tahay dhinaca Xukuumadda Qaahira
Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Yuhuudda ayaa dalbaday in Xamaas ay soo hormariso Liiska Magacyada Dadka ay sii deyneyso si ay waalidiintooda iyo ehelkooda ay ugu wargeliyaan si ay u tagaan goobaha caafimaad ee lagu hubinayo
Mareykanka ayaa sheegay in keliya Xamaas aanay gacanta ku heyn Maxaabiista Yuhuudda balse loo baahan yahay in wadahadalka uu qayb ka noqdo Ururka Islaamik Jihaad si loo dhammeystiro heshiiska Maxaabiistaas lagu sii deynayo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA