Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Puntland oo digniin culus u Diray dowlada federaalka soomaliya

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC}Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay moqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya oo ay ku howlan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Arrintan ayaa maanta lagu soo qaaday shirka golaha wasiirada ee Puntland, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Sacaiid Cabdullahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash
Shirka oo todobaadle ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashada Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Soomaaliya ,kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo weli lagu mursanyahay, maadaama mucaaradka ay diideen
Golaha ayaa isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta
Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ayaa ka horyimid qorshaha dowladda federaalka ee wax ka beddalka dastuurka, ayada oo sheegtay in laga leeyahay dano siyaasadeed
“Dowladda Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay” ayaa lagu yiri go’aanka Puntland

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA