Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka SOMALILAND oo jawaab ka bixisay sheegashadii dowlada Itoobiya ee dekada Berbera

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warka kasoo baxay dowladda Itoobiya ee ay ku sheegtay inay kula jirto wada-hadallo ku saabsan dekedda magaalada Berbera
Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa wasiirka gaadiidka iyo saadka Dr. Alemu Sime kasoo xigatay in wada-hadalladaas ay marayaan meel wanaagsan
Isaga oo xusaya in Itoobiya ay 95% badeecadaha ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofiso u isticmaasho dekedda Jabuuti, wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera, sida ay sheegtay EPA
Isaga oo ka jawaabaya ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland Dr. Ciise Kayd wuxuu ku adkeystay in aysan waxaba ka jirin sheegashada Itoobiya
“Arrintaan waxay ku saabsan tahay sheekadii hore ee 19%,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in arrintani mar hore ahayd, warkeediina hadda dhamaaday
Heshiiskaas ayuu sheegay in Itoobiya ay ka soo bixi waysay shardigii laga rabay ee ay qaybta uga noqon laheed dekadda Berbera ee ay haatan gacanta ku hayso DP World
“Itoobiya waa ay bixin waysay lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku waysay qaybtii ay rabtay,” ayuu wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa
Dad badan oo ku nool Geeska Afrika oo Soomaalidu ugu horeyso ayaa walwal ka muujiyay in Itoobiya ay si walba ku qaadan doonto badaha ku teedsan wadamada ay dariska yihiin
Abiy ayaa horey uga digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka
Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah
Somaliland ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 30 sano kahor, balse ma haysato aqoonsi caalami ah, taasi oo adkeyneysa heshiis kasta oo Itoobiya ay ku dooneyso inay dekad uga hesho Soomaaliya, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka
Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay inay diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas
Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar {Cali Balcad}

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA