Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa ka jira in ninkaan macallinka ahaa uu isku dilay magaalada Galkacyo?

Jimco Nofembar 24, 2023 {HMC}  Warka la xariira inuu is dilay nin dhallinyaro ah oo ku noolaa magaalada Galkacyo ayay qaar kamid ah warfidiyeenku Galkacyo tabiyeen, iyaga oo soo xiganayay dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa halka uu ku soo dhacay wiilkaan oo ka soo dhacay dabaq dhawr biyoono ah.

Waxa lagu magacaabay Cabdirisaaq cabdulqaadir Khaliif, waxa uu ahaa macallin dhiga maaddooyinka Af-soomaaliga iyo xisaabta, waxana uu waqtiga ugu badan noloshiisa ku qaatay magaalada Galkacyo.

Sidoo kale baaritaanada horu dhaca ah ee ay sameeyeen booliska Galkacyo ayaa sheegaya in wiilkaan uu kaligiis ahaa markii uu ka soo dhacayay dhismahan dheer, sida uu BBC da u xaqiijiay mid kamid ah saraakiisha Booliska ee kiiskaan gacanta ku haya.

Xilli subaxnimo ah ayaa laga helay dabaqa hoostiisa, iyadoo durbadiiba loola cararay isbitaal, hase yeeshee dhakhaatiirta ayaa sheegay in markii isbitaalka la geeyayba aysan naftu ku jirin, sida aan ka soo xiganay qoyskiisa.

Balse qoyskiisu waxay sheegeen war ka duwan waxa ay tabiyeen warbaahintu, iyo waxii ay u sheegeen goobjoogayaashu intaba.

Maxamed Khaliif Diiriye, waa adeerka Cabdirisaaq, waxa ay meel kuwada noolaayeen in muddo ah, waxa uu sheegay in saaka ay ku kala ordeen warka kasoo yeeray dhinaca Cabdirisaaq.

“Waxaan ahay xog ogaal, isku guri ayan seexan jirnay wiilka, saaka ayaan ku baraarugnay warka dilkiisa ee nasoo gaaray, xanuun aan ku ogeyn majirin asaga oo caafimaad qaba ayaa noogu dambeysay” sidaasi waxaa yiri Maxamed Khaliif oo ah adeerka Cabdirisaaq.

Adeerka wiilka ayaa ka hadlay wixii ay arkeen markii ay tageen meesha ay wax ka dheceen.

“Waxa aan tagnay dhismaha ay wax ka dheceen, waxa aan u tagnay marxuumka oo burbursan lafihiisi ay jajabeen, dhaawacyo badan ay ka muuqdaan isla markaana dhiig baxaya isla markiina isbitaal ayaan ula cararnay”.

Qoyska Cabdirisaaq ayaa sheegay in aaneyn ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa xilli goor sii horreysay la baahiyay in isagu uu dabaqa iskasoo tuuray.

“Ma dhahayno Cabdirisaaq isaga ayaa is dilay, mana ogin mana hubno, ma jirin sabab aan ogeyn oo uu isku dili karo, haddana waxaa baaraya booliska oo kiiska gacanta ku haya”ayuu sii raaciyay adeerkiis.

Maxamed Khaliif, adeerka marxuumka ayaa sheegay in Cabdirisaaq uusan horay isugu deyin dil isla markaana aysan qofku ogeyn wax isku dil ah oo qoysku ay ogyihiin.

Dadka qaar ee ku sugnaa goobta oo la wadaagay wariyaasha inuu wiilku marar hore doonayay inuu is dilo ayuu ku tilmamaay borobogaando ay faafinayaan. Wuxuu ku adkeystay in marxuumku uu ahaa qof xaaladdiisu ay caadi hayd oo aysan jirin dhibaato la’ogyahay oo heysatay.

Dhanka kale wuxuu sheegay inaysan jirin wax duruufo nololeed ah oo uu la daala dhacayay Cabdirisaaq, ama xaalad cusub oo lasoo deristay maalmihiisii ugu dambeeyay, taas oo sababi kartay in uu nafta is dhaafiyo, maadaama ay ahaayeen dad isku hoy ku wada nool.

Cabdirisaaq waxa uu ku dhashay magaalada Gallaadi, da’diisa ayey qoysku ku sheegeen 30-meeyada, ifka waxa uu kaga tagay gabar, hase yeeshee hooyadeed waxa ay kala tageen inta uusan geeriyoon.

Boosliska magaalada Gaalkacyo ayaa haatan gacanta ku haya kiiska marxuum Cabdirisaaq, iyada oo ay soo baxayaan warar kala duwan oo la xiriira sida uu dilkiisu u dhacayo.

BBC-da ayaa xiriir la sameysay maamulka dhismaha uu dilku ka dhacay, hase yeeshee ma aysan suura gelin in aa helno.

Dhacdooyinka ku saabsan in shaqsiyaad is dilaan ayaan aad looga soo tabin gobolada Soomaaliya. Arrintaas ayaa wax ugub ah ka dhigay kiiska Cabdirisaaq oo ilaa iyo haatan baaritaankiisu socdo.

XIGASHO BBC SOMALIA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA