Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

14 qof oo rayid ah oo lagu dilay waddanka Congo

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Maleeshiyo looga shakisan yahay inay yihiin Islaamiyiin ayaa dilay ugu yaraan 14 qof weerar ay ku qaadeen tuulo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo habeenimadii Khamiista, sida ay jimcihii sheegeen sarkaal maxalli ah, hoggaamiye ka tirsan bulsho rayid ah iyo qof ka badbaaday weerarkan.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin fallaagada Allied Democratic Forces (ADF), oo ah koox hubeysan oo Ugandan ah oo fadhigeedu yahay bariga Kongo, waxayna ballan-qaadeen inay la midoobayaan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, iyaga oo inta badan weerarro ku qaada tuulooyinka, iyagoo oo mararka qaarkood wata baangado iyo faashash.

Maleeshiyada ayaa xilli habeen ah weerar ku qaaday deegaanka Makodu, xilli dadka deegaanka ay hurdayeen guryahooda.

Qofna ma fileyn weerarkan, sida hogaamiyaha bulshada rayidka Marcel Nzanzu iyo Dieudonné Kakule oo ka badbaaday ay u sheegeen Reuters.

Duqa magaalada Oicha, oo ku taal Waqooyo bariga ee gobolka Kivu,, ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in fallaagada ADF ay dad rayid ah ku dileen mindiyo iyo qoryo ka hor inta aysan baxsan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA