Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Banaanbax Looga soo hor jeedo ka Xiisada Siyaasadeed ee puntland oo dhacay Magaalada Garowe

Banaan bax looga soo horjeedo Xiisada Siyaasadeed ee dhexeysa Madaxda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada ayaa ka dhacay magaalada Garoowe Caasimada Puntland
Dibad baxaan oo ay dhigayaan Qaar ka mid ah Haweenka ayay ku dalbanayaan in si nabdoon lagu dhammeeyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan khilaafaadka doorashada Puntland ee sannadka 2024
Haweenka ayaa ku baaqaya in aysan shacabka colaad u horseedin Madaxda Puntland iyo siyaasiyiinta hubaysan islamarkaana khilaafkooda arrimaha doorashada ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka si looga baaqsado dagaal iyo qalalaase
Sidoo kale, Odayaasha dhaqanka SSC Khaatuma ayaa magaalada Garoowe weli  ka wada dadaalo nabadeed oo lagu xallinayo xiisadda ka taagan doorashada waxaana ay shirar kala duwan la yeesheen madaxda Maamulka Puntland iyo mucaaridka ee isku khilaafsan qabsoomida doorashada 2024 puntland ka dhici doonto.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA