Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Kenya oo Soomaaliya ugu hambalyeysay ku biirista ururka bulshada bariga Afrika ee EAC

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Dowladda Kenya ayaa soo dhaweysay ku biiritaanka Soomaaliya ee xubinimada bulshada Bariga Afrika (EAC) kadib ol’ole ay Soomaaliya ku doonaysay in ay ku biirto ururkan.

War qoraal ah oo uu soo saaray wasiirka koowaad Kenya, Musalia Mudavadi ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guusha ay gaartay, isagoo sheegay in xoojinta xiriirka gobolka iyo kobcinta midnimada ay fure u tahay furitaanka awoodda ballaaran ee Bariga Afrika.

“Si wadajir ah, waxaan u dhisi doonaa mustaqbal ifaya dhammaan muwaadiniinteena,” Mudavadi ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Soomaaliya ayaa shalay loo ogolaaday inay noqoto xubinta sideedaad ee ururka EAC, iyadoo doonaysa inay ku balaadhiso ganacsiga xorta ah ee gobolka oo dhan.

Soomaaliya ayaa hadda ku biirtay dalalka Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania iyo Uganda oo ka tirsan urur goboleedka.

“Waxaan go’aansanay in aan aqbalno Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu dhigayo heshiiska ka mid noqoshada,” guddoomiyaha EAC ee xilka ka degaya, madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye, ayaa ka sheegay shir-madaxeedka kooxda ee Tanzania.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugnaa madasha shirka.

EAC waxaa la aasaasay 2000 waxayna ka shaqeysaa dhiirigelinta ganacsiga iyada oo meesha ka saaraysa canshuuraha u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA