Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faahfaahinta Howgal ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameyen xeebta Liido

Sabti  Nofembar 25, 2023 {HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in si gaar ah loogu beegsaday maqaayado iyo hoteello ku yaal xeebta, kuwaas oo ay ku caaweynayeen gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gudaha u galay xarumo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdcasiis, waxayna galeen qolal lagu isticmaalayay maan dooriye, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo ku dhow laamaha amniga.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya oo la sheego in si aad ah loogu isticmaalo xeebta.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan mamaulka gobolka Banaadir oo sheegay inay la dagaalami doonaan maan dooriyaha iyo dhaqan xumada.

Horay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho,Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa u hoggaaminayay howlgal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, isaga gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag & dumar leh.

Duqa Muqdisho ayaa xilligaas garaacay wiilal iyo gabdho ku jiray kalaabka, kuwaas oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Habeenka Jimcaha waa mid kamid ah habeenada ugu mashquulka badan Liido, waxaana inta badan isugu tega dhalinyaro kala duwan oo qaarkood isticmaala maan dooriyaha.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgallo lagula dagaalamayo maan dooriyaha, kaas oo uu hormuud u yahay maamulka gobolka Banaadir.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA