Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Shaaciyay tirada Xildhibaannada ku dhaawacmay dagaalka A,S

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ka hadlay furitaanka kalfadhigga afaraad ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah A,S
Aadan Madoobe ayaa ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh doorkii uu ka qaatay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah AS,waxa uuna sheegay dagaalka socda in ay qeyb ka yihiin xildhibaannada labada aqal ayna tageen furimaha hore ee dagaalka
Guddoomiyaha ayaa sheegay in labo xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ku dhaawacmeen dagaalka dalka looga xureynayo kooxda A.S
“Waxaad ogtihiin inay ku dhaawacmeen xildhibaano iyo senataro ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay xildhibaanka Golaha Shacabka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad, sidoo kale waxaa dhaawacmay Senataro Cabdi Qaybdiid oo runtii dalkan xilal badan kasoo qabtay” ayuu yiro guddoomiye Aadan
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya markan ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxda A.S,waxa uuna cadeeyay in xildhibaannada baarlamaanka ay naftooda u hurayaan sidii cadawga looga adkaan lahaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA