Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kenya oo la tacaaleysa wax ka qabashada xaaladda deg degga ah ee daadka

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Kenya ayaa xoojinaysa tillaabooyin ay kaga hortagayso daadka sababay dhimashada 70 qof, iyo barakaca tobanaan kun oo qof oo guryahooda ka barakacay, sida uu maanta oo Sabti ah sheegay madaxweyne William Ruto oo musiibada daadka ku tilmaamay “xaalad degdeg ah”.

Kenya iyo dalalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ah dalal hadda uun ka soo baxay abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah, ayaa hadda waxaa ku dhufanaya daadad xooggan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka dhashay xaalad cimileedka El Nino.

Ruto ayaa sheegay ka dib wadahadal uu la yeeshay kooxaha gurmadka degdega ah in golaha wasiiradu ay kulmi doonaan maalinta Isniinta ah si ay isku dhaafsadaan talooyin ku aadan sida loo maareynayo dhibaatada.

“Nasiib-darro waxaa roobka awgii aan weynay 70 qof guud ahaan Kenya, ilaa haddana waxaa barokacay ilaa 36,160 qoys,” ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay Aqalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka ay biyuhu buuxiyeen, isaga oo intaa ku daray in waaxda saadaasha hawada ay saadaalisay roobab kale, taasi oo sare u qaadaysa khatarta fatahaado dheeri ah.

“Sidaa darteed, waxa aan u baahannahay in aan u diyaargarowno xaaladda degdega ah ee imaan doonta,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in wadooyin badan, gaar ahaan dhanka Waqooyi ee Kenya ay biyuhu jareen, taasi oo keentay in gawaarida siday raashiin, dawo iyo shidaal ay xayirmaan.

Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay sahayda u daabulaan bulshooyinka fatahaaduhu saameeyeen, halka dowladdu ay diyaarisay lacag dhan 2.4 bilyan oo shilinka Kenya ah (ku dhawaad 16 milyan oo doollar) taasi oo loogu talogalay in raashin lagu gaarsiiyo barakacayaasha.

AFP+VOA

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA