Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kuuriyada woqooyi oo shaacisay bartilmaameedyada dayax-gacmeedkeeda wax basaasa ee ay Talaadadii dirtay

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kormeeray sawirro uu qaaday dayax gacmeedka cusub ee basaaska ee dalkaasi. “Bartilmaameedyada ugu waaweyn” waxaa ka mid ah caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seoul iyo magaalooyinka martigeliyay saldhigyada ciidamada Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Kuuriyada Waqooyi oo ku hubaysan hubka Nukliyeerka ayaa hawada sare u dirtay dayax gacmeedka waxbasaasa Talaadadii, balse saraakiisha difaaca Kuuriyada Koonfureed iyo falanqeeyayaasha ayaa sheegay in awoodiisa aan si madax banaan loo xaqiijin.

Kim ayaa baadhay sawirada Seoul iyo magaalooyinka kale ee Mokpo, Kunsan, Pyeongtaek iyo Osan, halkaas oo ay ku yaalaan saldhigyada milatari ee Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya. Sawirada ayaa la qaaday iyadoo dayax gacmeedku uu dul maray jasiirada subaxnimadii jimcaha, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dowlada KCNA.

Kim ayaa darsay sawiradan, iyo sidoo kale sawirada meelo ka mid ah Waqooyiga Kuuriya, intii lagu guda jiray booqasho Jimcihii uu ku tagay xarunta maamulka Tiknoolajiyada Hawada Qaranka (NATA) ee Pyongyang.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA