Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka 11aad ee soomaliya

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si ramsi ah u daah-furay kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka 11aad ee JFS waxaana uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlay dhinacyo kala duwan oo guud ahaan Dalka taabanaya
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka wadajir ugu faah-faahiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka, Heshiiska siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranka, Xaaladaha bani aadamnimo, dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Puntland, Somaliland & qodobo kale
Mid mid ayuu u dul istaagay dhammaan qodobada uu soo hadal qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida arrimaha Dastuurka oo uu sheegay in muddo dheer uu u baahan yahay in laga saaro Kumeel-gaarka lana qabyo tiro
Baarlamaankii 9aad & kii 10aad ayuu tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in duruufo jira awgeed ay dhammeystiri waayeen balse maanta la sugayo Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka oo heysta fursad ku filan
Dhinaca Amniga waxa uu sheegay in Ciidamada Federaalka & Kuwa Dowlad-Goboleedyada oo kaashanaya Dadka Deegaanka in ay gacanta ku dhigeen dhul baaxad weyn oo muddo dheer qaarkood ay maamulayeen ‘AS’
Dayn cafinta & in ay Soomaaliya ka baxdo cutubka 7aad ee Qaramada Midoobay oo aanay u wanaagsaneen in uu Dalka kusii jiro ayuu sheegay in ka shaqeyntiisa in ay u baahan tahay wadajir iyo iskaashiga Buuxa
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu Madaxweynaha shaaciyay in ay gacanta ku heyso shuruucda ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah oo muddo 7 jeer ah ay kulmeen
Arrimaha Somaliland ee la xiriira Xaaladaha kala guurka ee Doorashooyinka ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shaaciyay in ay marar badan ku baaqeen in la dadejiyo lana fuliyo waqtiga lagu ballamay
Xaaladaha siyaasadeed ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland ka taagan ayuu soo jeediyay in lagu dhammeeyo hadallada wanaagsan iyo in la raaco dhabbaha wadahadalka si looga baaqdo in la raaco dhabba weliba oo aan raad-raaciisu fiicneen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA