Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Markab ay leedahay Israa’iil oo waxyeelo gaartay ka dib weerar looga shakisan yahay Iiraan

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qortay in Markab xamuul ah oo ay leedahay Israa’iil ay waxyeello ka soo gaartay weerar looga shakisan yahay in ay fuliyeen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran xilli uu marayay badweynta Hindiya, sida maanta uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarkan oo dhacay Jimcihii uu markabka gaarsiiyay “burbur yar” mana jiraan “wax dhaawac ah” ayuu yiri.

Shirkadda ammaanka badda ee Ambrey ayaa sheegtay in markabkan oo wata calanka Malta, islamarkaana u shaqeeya shirkad Faransiis ah uu burbur soo gaaray, ka dib markii diyaarad drone oo aan cidina wadin ay ku qaraxday meel u dhow markabka.

Weerarkan ayaa imaanaya ku dhawaad toddobaad ka dib markii Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto dowladda Iiraan ay qabsadeen markab xamuul ah oo xiriir la leh Israel, kaasi oo marayay koonfurta Badda Cas.

Dhinaca kale, Ururka Xamaas ayaa lagu wadaa in uu sii daayo koox labaad oo la haystayaal ah maanta oo Sabti ah si ay ugu baddashaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, iyadoo xabbad-jooijnta ay labada dhinac gaareen ay wali shaqeynayso.

Ilo rasmi ah oo Israel ka tirsan ayaa sheegay in Xamaas ay ku wareejin doonto 14 la haysteyaal ah.

Maamulka xabsiyada Israel ayaa sheegay in 42 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo isugu jira rag iyo dumar la sii deyn doono.

Jimcihii, Xamaas ayaa sii daysay 24 qof oo 13 ay ahaayeen Israa’iiliyiin kuwaasi oo dhamaantood ahaa haween iyo carruur.

Toban u dhashay dalka Thailand ah iyo qof Filibiini ah ayaa sidoo kale si lama filaan ah loo sii daayay.

Dagaalyahannada Xamaas ayaa afduubtay ku dhawaad 240 maxbuus markii ay galeen xadka Gaza ee ay Israa’iil la wadaagto 7-dii Oktoobar, halkaasi oo ay ku dileen illaa 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin iyo ajaanib ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA