Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sidan ayey Xamaas ku sababaysay dib dhigista sii deynta qaybtii labaad ee dadka ay haysato

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in dib u dhaca ku yimid soo wareejinta la haystayaasha caawa fiidkii ay sabab u tahay jabinta Israa’iil ee heshiiskii xabbad joojinta ee bini’aadantinimo ka dib markii ay ka hortagtay gawaari gargaar oo lagu heshiiyey inay galaan waqooyiga Qaza.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay ogolaatay kaliya 3 ka mid ah 100 baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah oo lagu heshiiyey inay gaaraan waqooyiga Qaza.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay jabisay heshiiskii xabad joojinta iyadoo diyaarado aan duuliye lahayn dul marisay koonfurta Qaza.

Mas’uulka Xamaas oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay wax weyn ka bedeshay liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu heshiiyay in la sii daayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay labo Falastiiniyiin ah ku dileen Beit Xanoun oo ka tirsan Qaza, oo ah aag loo ogol yahay in ay u guuraan Falastiiniyiintu.

Waxa uu BBC-da kala hadlayey go’aanka Xamaas ay dib ugu dhigtay sii deynta la haystayaasha Israa’iil.

ISHA BBC 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA