Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xamaas oo ku baaqday in Israaiil ay joojiso Diyaaradaha Drones-ka ee Gaza dul heehaabaya si Xabbad-joojintu ay usii jirto.

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC}  Saraakiil katirsan Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Guddiga la soconaya Xabbad-joojinta ay la galeen Israaiil usoo jeediyay in uu Yuhuudda ku amro joojinta Diyaaradaha duulliye la’aanta ee wax basaasa ee Drones-ka loo yaqaan ee dul maraya Magaalada Gaza.

Xamaas ayaa arrintaas ku tilmaamtay daan-daansi lagu doonayo in lagu jebiyo xabbad-joojinta maadaama Israaiil ay sameyneyso tallaabooyin keeni kara in markale dhaqdhaqaaqoodu uu qaado falcelin la xiriirta kahortagga isku dayada Yuhuudda.

Sarkaal sare oo katirsan Xamaas ayaa sheegay in dhankooda ay fulinayaan heshiiska loona baahan yahay in dhinaca kale waa Israaiil in ay fuliyaan xabbad-joojinta labada dhinac ay kuwada gaareen Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar.

Maalintii labaad waxaa dhaqangalay xabbad-joojinta Xamaas iyo Israaiil ay wadagaleen iyada oo Shacabka Magaalada Gaza ay raadsanayaan Gargaarka bani aadamnimo ee loosoo fasaxay si ay ugu faaiideystaan xabbad-joojinta 4ta cisho ah.

Dhinaca kale mas’uuliyiin katirsan Xamaas ayaa soo jeediyay Gaadiidka kasoo gudbaya marinka Rafax ee laga leeyahay Dalka Masar in si toos ah loo gudbiyo lana joojiyo gargaarkaas meel dhexe lagu gedinayo si loogu sii qaado Gaadiid yar oo waqti badan ku qaadaneysa daabulitaankooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA