Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

7 dal oo aad fiiso la’aan ku tagi karto marka ay Soomaaliya dhameystirto shuruudaha ku biirista EAC.

Axad Nofembar 26, 2023 {HMC}  Soomaliya ayaa la aqbalay inay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika ka dib shir madaxeedki 23-aad ee Madaxda dalalkaasi ku yeesheen Magaalad Carusha ee dalka Tansaaniya.

Dawladda Soomaaliy ayaa sheegtay in dhamaan xuquuqaha iyo faa;iidooyinka ay leedahay dalladaan ay Soomaaliya heli doonto si lamid ah dhamaan wadamada kale ee xubnaha ka ah. Waxaa kamid ah faa’iidooyinkaas baasaboorka ka wada dhaxeeya wadamada ee dhamaan muwaadiniintu aysan dalku-gal u baahanayn.

Geediga ku biirista dalladan EAC ayey Soomaaliya soo bilowday sanado ka hor, markii saddexaad ee ay codsatay ku biirista ururkaan ayaa la aqbalay ugu dambayn.

Sida ku cad qodobka 104 ee heshiiska, Dawladaha wadaaga ahi waxay ku heshiiyeen inay qaataan tillaabooyin lagu gaadhayo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, shaqada iyo adeegyada kale.

Dawladaha ku bahoobay ururkaan ayaa leh sharci dhigaya in la fadudeeyo socdaalka muwaadniintooda, kadib heshiis ay gaareen oo dhaqan galay 2010 kii.

Mabaadii’dda ururkaan ayaa waxaa qayb ka ah isu furka xuduudaha, dhaqaaqa adeegyada shaqo iyo sidoo kale ganacsiga.

Wadamadaan ayaa leh hal baasaboor oo ay wadaagaan kaas oo u fududeeya muwaadiniintooda inaysan ka walwalin dalku gal.

Haddii Soomaaliya dhamaystirto shuruudaha

Sida ay sheegtay dawladda Soomaalia guud ahaan xuquuqaha uu leeyahay muwaadinkasta oo dalkiisu ka mid yahay ururkaan ayuu yeelan doonaa kan Soomaaliga ah.

Wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa BBC da u sheegay in Soomaaliya haatan la sugayo in baarlamaanku ansixiyaan heshiiska ku biirista ururkaan, taas oo la filayo inay dhameytiranto bilaha soo aadan, sida uu sheegay.

Hadaba muwaadinka Soomaaliga ah, hadii sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya uuna qabo sharciga EAC uu helo xaquuqahaas wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu dal-kugal la’aan booqan karo wadamadaan; Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, Koonfurta Sudan iyo DR Congo.

Todobadaan wadan ayey muwaadiniinta Soomaalidu ku yeelanayaan xaquuq safar oo uu siinayo axdiga socdaalka ee Bulshada Bariga Afrika marka la dhamaystrido shuruudaha Soomaaliya ugu dhiman Ururkan.

Balse sida ay qabaan dadka ka faalooda xiriirada caalamiga ah, waxaa laga yaabaa xaaladaha ka jira wadamada qaar inay saameyn ku yeeshaan sida loogu fududeyn doono xuduudaha.

Muwaadiniinta dalalkoodu ku jiraan Ururkan ayaa leh xaquuq socdaal oo u sahlaysa inay isaga kala gooshaan dalalkan si fudud oo sahlan.

Hadii qof ka mida bulshada dalalkan uu u baahdo inuu safro si deg dega isagoon haysan basaaboor wadamada EAC ah wuxuu haystaa fursad kale oo socdaal ku tagi karo midkasta oo ka mida dalalka ururkan sida ku cad bogga bulshada bariga afrika isaga oo isticmaalaya aqoonsiga gudaha dalkiisa, sida uu qabo sharciga socdaalka ee ku daabacan bogga EAC.

Balse waddanka DR Congo ayuu sheegay ururku inuusan sidaas sameyn karin maadaama uusan wali buuxin shuruudahii kamid noqonoqshada ururka, laakiin filayo mustaqbalka inuu buuxiyo shuruudahaas.

Soomaaliya oo shalay heshay aqbalaada ku biirta ayaa sidoo kale heli karta xuuqahaas sida ay qabto dawladda Soomaaliya marka ay dhameystiraan shuruudaha harsan.

Muxuu yahay ururka EAC?

Bulshada Bariga Afrika (EAC) waa urur dawladeed oo ka kooban siddeed waddan oo ku yaalla harooyinka waaweyn, Geeska iyo Bariga Afrika:

Dalalka , Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, Uganda iyo Jamhuuriyada dimuqradigaa ee Congo ayaa xubno ka ah ururkan halka xaruntiisuna tahay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka soo muuqato liiskaan, kadib markii shalay la aqablaay inay noqoto waddanka sideedaad ee xubin ka noqonaya ururkaan.

Ururkan ayaa la balaariyey, waxaan toddobadii sano ee la soo dhaafay ku biiray oo loo ogoladay South Sudan, DR Congo iyo Soomaaliya oo ugu danbaysay.

Waxaa ururkan la asaasay sanadkii 1967-dii halka 1997 uu burburay balse waxaa dib loo soo nooleeye bishii Luulyo sanadkii 2000.

hadda, hogaanka wareega ee ururka waxaa haya Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir.

BBC SOMALIA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA