Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Baarlamanka Puntland oo qaaday tallaabo wiiqday qorshihii madaxweyne Deni

Axad November 26, 2023 {HMC}  Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta iskugu yimid fadhigoodii caadiga ahaa, kadib markii uu maalintii Khamiistii uu buuq xooggan hareeyay fadhiigoodii.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo amniga maamulka. Sidoo kale waxaa maanta la hakiyay xeerka doorashooyinka ee uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni.

Sida qorshaha uu ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, hase yeeshee guddiga loo xilsaarey xeerka doorashooyinka ayaa soo jeediyey in la hakiyo xeerkaas, maadaama waxyeelo u geysan karo amniga, taasi oo keentey in afhayeenkii baarlamaanka uu banaanka uga baxo shirka.

Soo jeedinta guddiga ayaa waxaa u codeeyay illaa 34 Xildhibaan.

Fadhiga oo qaatay wakhti dheer ayaa la isla qaatay in Xildhibaannada dib loogu soo wargeliyo fadhiga dambe, si loo dhammeystiro shaqooyinka Golaha horyaal maalmaha soo socda.

Inkasta oo shir-guddoonka baarlamaanka Puntland la fahamsan yahay inuu la dhacsan yahay xeerka doorashooyinka, ayaa waxay xildhibaano badan qabaan in aan wax go’aan ah la soo saarin illaa inta ay socoto waan-waanta mucaaradka iyo Deni, taasi oo hadda ay waddaan Isimmada SSC-Khaatumo.

Isimada SSC ee hadda waan-waanta u yimid Garoowe ayaa sheegay in meel wanaagsan wax u marayaan, islamarkaana ay la kumeen xukuumadda Deni, dallada mucaaradka, xisabiyada xukuumadda taageersan iyo bulshada rayidka ah.

Sida ay ogaatay Warbaahinta, shir-guddoonka oo shalay Madaxtooyada kula shiray madaxweyne Saciid Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa waxay la wadaageen sida meel-marinta qorshahaan u adag yahay, gaar ahaan marka la eego xeer-hoosaadka baarlamaanka in la meel-mariyo xeerka doorashada, ee uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni.

Dhinacyada ayaa ku ballamay in hadda xaaladda la dejiyo, islamarkaana la sameeyo sidii wax lagu socodsiin karo, xilli laga cabsi qabo in xiisadda ay markale isku rogto gacan ka hadal ka dhaca Garoowe.

Mucaaradka iyo maamulka Deni ayaa isku-mari la’ nooca doorasho ee maamulkaasi, iyada oo mucaaradka uu rabo inay ku qabsoomto hanaankii hore ee ku yimaadeen madaxda hadda joogta, halka Deni uu rabo taasi beddelkeeda.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi.

Si kastaba, dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa loogu baaqay inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, uguna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA