Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

caqabada soo wajahday xabad joojintii Gaza iyo Biden oo la hadlay Amiir Qatar

Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa caawa la hadlay Amiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar, taasoo qeyb ka ah dadaallada maamulka uu ku doonayo inuu ku xalliyo dib u dhaca ku yimid maalintii labaad sii daynta la heystayaasha Israel sida uu sheegay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson ayaa sidaas yiri.

Saraakiil kale oo sar sare oo Maraykan ah ayaa la xiriiray dhiggooda Israel, Qatar iyo Masar, iyadoo Biden la siinayey warbixin kooban.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa mas’uuliyiinta Aqalka Cad waxay ku wargeliyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar in arrinta la xaliyay, isla markaana hay’adda Laanqeyrta Cas ay ku howlan tahay soo celinta la haystayaasha maanta la sii deynayo.

Warar kale oo madax ayaa sheegaya in Caqabadihii sababay dib u dhaca ku yimid sii deynta la haystayaasha maalintii labaad la haatan la xaliyey sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar.

“Ka dib markii uu dib u dhac ku yimid dhaqangelinta sii deynta maxaabiista labada dhinac, waxaa caawa la sii dayn doonaa 39 qof oo rayid ah oo Falastiiniyiin ah si loo sii daayo 13 maxaabiis Israel ah oo ku xiran Gaza iyo 7 ajnabi ah oo ka baxsan qaab heshiiska,” ayuu yiri afhayeenka Qatar, Majed Al-Ansari.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in sii deynta labaad ee la haystayaasha Israa’iil ay dib u dhacday sababo la xiriira jabinta Israa’iil ee heshiiskii xabbad joojinta ee ay labada dhinac gaareen.

Sarkaalku waxaa uu sheegay in Israa’iil ay joojisay 97 baabuur oo ah kuwa xamuulka qaada oo gargaar u siday waqooyiga Qaza, sidoo kalena ay diyaarado aan duuliye lahayn ku duulisay koonfurta Qaza kuwaasoo baalmarsan qodobada heshiiska xabad joojinta

Israa’iil ayaa beenisay in ay jabisay qodobbadii heshiis ay gar-wadeen ka ahayd dowladda Qatar – kaasoo keenay in afar maalmood uu hakad ah la galiyo colaadda, taas beddelkeedana la sii daayo la haystayaashii Qaza – iyo sii deynta Falastiiniyiinta ku jira xabsiyada Israa’iil.

La-haystayaasha lagu wado in caawa laga sii daayo Gaza waxaa ku jira siddeed carruur ah oo Israa’iili ah, shan dumar ah oo Israa’iili ah iyo 7 qof oo dheeraad ah oo ka soo jeeda dalal kale, afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, Majed Al-Ansari, ayaa sidaas ku sheegay baraha bulshada.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu wado in la sii daayo ayaa waxaa ku jira 33 dhalinyaro ah iyo lix dumar ah, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ururka maxaabiista Falastiiniyiinta iyo guddiga maxaabiista iyo arrimaha maxaabiista hore Sabtidii.

Warku waxa uu intaa ku daray in Maxaabiistaasi ay u badan yihiin kuwa ka soo jeeda Daanta Galbeed ee la haysto, marka laga reebo lix ka mid ah oo laga keenay Bariga Quddus.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA