Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne cali Guudlaawe”Xaalada ka jirta deegaanada Maamulka Hirshabelle waxba kama qaban karno”

Muqdisho: 26, Nofeembar, 2023 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

 

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aaden Cade kusoo dhoweeyay Wasiiro, Xidhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qaar kamid ah Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Hirshabeelle, qeybaha bulshada iyo Masuuliyiin kale.

 

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan arrimaha amniga, howgalada lagu baacsanayo kooxda khawaarijta ah ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, arrimaha nabadeynta iyo saameynta deegaanada Hirshabeelle uu ku yeeshay roobabka iyo fatahaadaha wabiga shabeelle.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu booqday furimaha hore ee dagaalka si uu dhiirigeliyo ciidankeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan baabi’inta cadowga shacabka Soomaaliyeed isagoo intaa ku daray inay wadaan abaabul dhowaan loo ruqaansan doono xoreynta deegaanada galbeedka Hirshabeelle.

 

Madaxweynaha xusay in saameyn aad u daran ay u geeysteen roobabka iyo fatahaadaha wabiga shabeelle degmooyinka Beledweyne, Buulo-burde, Jalalqsi, Mahadaay iyo Jowhar isagoo adkeeyay inay ugu daran tahay Magaalada Beledweyne oo dadkii deganaa ay ka barakaceen waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay caawiyaan dadka ay saameeyeen roobabka iyo Fatahaadaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA