Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dul istaagay baaxadda dhibaatada Roobabka El-nino ee soo gaartay deegaannada Jubbaland

Kismaayo, Nofeembar 26, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday deegaanka Lugloow ee ay ku soo baraceen dadka ay guryahoodii daadadku qaadeen iyo duleedka Yoontooy oo kamid ah meelaha ay daadadku xireen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay burburka ku yimid jidadka isku xira deegaannada iyo caqabadaha nololeed ee la soo gudboonaaday dadka deegaanka, waxa uuna sheegay in Jubbaland ay tahay dowlad-goboleedka ay dhibaatada ugu ballaaran ay ka soo gaartay roobabka daadadka wata ee El-nino.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda adag ee soo food-saartay kumannaan qoys oo ku dhibaataysan deegaannadan, kuwaas oo ay barakiciyeen daadadku, xoolihii iyo dalagyadii beerahana ay ka galaafteen, waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka in ay u kacaan gurmad, si le eg baaxadda dhibaatadan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ka digay xaalad caafimaad darro oo ka dhalata goobaha lagu bara kacay, maadaama aysan haysan biyo nadiif ah, isla markaana ay halis ugu jiraan cudurrada ka dhasha biyaha, waxa uuna faray Hey’adaha Heer Federaal ee gurmadka iyo adeegyada bulshada in ay dardar-geliyaan doorkooda ku aaddan samatabixinta dadkeenna Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA