Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya 25 Malmood ee lasoo dhaafay

Axad Nofembar 26, 2023 {HMC}  Tirada dadka ku dhintay fatahaaddaha ku dhuftay wadanka Soomaaliya ayaa gaartay 96 qof, sida uu sheegay gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Sida gobolka intiisa kale, daadad ka dhashay roobbab mahiigaana oo ka da’ayay todobaadyadii ugu dambeeyay iyo webiyada oo inta ay buux dhaafeen ku fatahay magaalooyin badan oo Soomaaliya kamid ah ayaa keentay in 900,000 oo qof ay guryahooda ka barakacaan.

Dadka ay saameysay fatahaadda ku dhufatay Soomaaliya ayay Hay’addu ku sheegtay in ay gaarayaan 2.3 milyan oo qof.

Xoolaha nool ee lagu waayay fatahaadda ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 4,000 oo neef.

Hantida ku burburtay fatahaadda ayay Hay’dda Maaraynta Musiibooyinku sheegtay in ay gaarayaan 136,045 oo isugu jira guryo, gawaari iyo alaabo kalaba.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA