Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaabiis kale oo ay saaka is weydaarteen Israa’iil iyo Xamaas

Axad Nofembar 26, 2023 {HMC}  13 Isra’iiliyiin ah iyo afar muwaadin oo u dhashay Thailand ayaa aroonimadi hore ee Axadda maanta ah gaaray Israel, kaddib marki ay xalay sii daayeen Xamaas oo afduub ugu heystay Gaza.

Israel ayaa dhankeeda sii deysay 39 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyadeeda, kuwaas oo iyaguna saakay aroortii hore gaaray Daanta Galbeed. Sii deynta tobnaanka qof ee labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiis xabad-joohin afar maalin ah oo ay gaareen Israel iyo Xamas, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen millatariga iyo waaxda amniga gudaha Israel ayaa lagu sheegay, in Isra’iiliyiinta lasoo daayay loo qaaday isbitaallada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad, kaddibna ay la midoobi doonaan qoysaskooda.

Dhanka Ramallah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP, boqollaal qof ayaa soo dhaweeyay bas weyn oo uu leeyahay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel xalay. Wakaaladda wararka Reueters ayaa iyaduna sheegtay in 33 ka mid ah 39-ka lasoo daayay ay carruur yihiin.

Maanta oo Axad ah iyo berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la dhameystiro sii deynta dadka ay kala heystaan labada dhinac. Heshiiska xabbad joojinta ayaa ku eg Talaadada.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA