Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo faah-faahin ka bixisay Gargaarka bani aadamnimo ee maalintii 3aad u gudbaya Magaalada Gaza.

Axad Nofembar 26, 2023 {HMC}  Qaramada Midoobay ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay Gargaarkii bani aadamnimo ee shalay u gudbay dhinaca Waqooyi ee Magaalada Gaza oo iska caabbintii ugu adkeyd ay kula kulmeen ciidanka Yuhuudda kahor xabbad-joojinta jimcihii dhaqangashay.

Sarkaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 61 Gaari oo ah nooca xamuulka qaada lagu raray shixnad isugu jirtay Agab Caafimaad, Shidaal, Biyo & waxyaabo kale oo ay u baahan yihiin Shacabka Waqooyiga Magaalada Gaza ku nool.

Warka ayaa intaas lagu daray in maanta oo Axad ah ay Gudbayaan ku dhowaad 200 oo Gawaarida gurmadka xambaarsan kuwaas oo haatan taagan dhinaca Rafax si ay ugu gudbaan Waqooyiga Magaalada Gaza.

Ciidanka Yuhuudda ayaa isku dayay in ay xadidaan isu gudubka Dadka labada daan (Labada dhinac) ka kala jooga Magaalada Gaza waa Koofurta iyo Waqooyiga halka ay sidaas oo kale damacday in ay xadidaad ku sameyso gargaarka u gudbaya Magaaladaas.

Isbitaalka Al-Shifa oo Bukaannada lagu daweynayo ay dhibanayaan u noqdeen ciidanka Israaiil ayaa lagu wareejiyay 11 Gaari oo ah nooca Gurmadka Degdega ah (Ambalaas) & 3 Bas oo loogu talagalay in lagu qaado dhaawacyada halista ah.

Xabbad-joojinta Xamaas & Israaiil ay ku gaareen Magaalada Gaza ayaa ah mid loo calaamadeeyay in 4 cisho ay socoto taasi oo waqti ahaan ku siman maalinta berri oo Isniin ah 27ka Nofeembar 2023 balse waxaa jira dooq ah in la kordhin karo xili kasta.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA