Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaalida Dalka Koofur Africa oo loo soo Bandhigay Fursad Ganacsi ay ka sameeynsan karaan Wadanka Zimbabwe

Axad Nofembar 26, 2023 {HMC}  Ganacsato Soomaaliyeed oo xalay kulan la qaatay Duqa Magaalada Bulawayo ee Dalka Zimbabwe, Mayor David Coltart iyo dhigiisa magaalada Johannesburg ee wadanka South Africa Mayor Kabelo Gwamanda.

Caasimada ganacsiga ee magaalada Johannesburg, waxaa safar shaqo oo sadex cisho ah ku joogaa Duqa magaalada Bulawayo ee dalka Zimbabwe kaas oo Soomaalida ku nool koofur Africa u so Bandhigay Fursad ay ganacsi kaga sameyn karaa magaaladiisa.

Booqashada Duqa Bulawayo ayaa la xiriirta sidii uu u xoojin lahaa xiriirka uu la leeyahay Jaaliyadda kasoo jeeda deegaankiisaa ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika, iyo sidu u dhiirigelin lahaa Jaaliyadaha kale ee Afrikaanka oo ay soomaalida kamid tahay si ay oga qeyb qaadan lahayeen horumarinta deegaankiisa.

Kulanka kowaad oo is-xogwaraysi ahaa kadib, ayay ganacsatada Soomaaliyeed waxay ku wehelinayeen Duqa martida ah, kulan casho sharaf ah, oo uu soo agaasimay Duqa Magaalada Johannesburg. Mayor Kabelo Gwamanda.

Dalka Zimbabwe waa dal xasiloon, marti-gelintana ku haboon, diyaarna u ah maal-gashi shisheeye, waxaana jira fursado badan oo ay ka faa’iidaysan karaan ganacsatadeena Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika, gaar ahaan kuwa ka ganacsada Cuntada, ama milkiilayaasha wax-soo-saarkaleh.

Waqtiyada so socdo ayaa la filayaa in Mayor ka Bulawayo iyo wafdigiista ay kulan la qaadan doonaan ganacsato iyo odayaasha Jaaliyadda oo uu horkacaayo Gudoomiye Cabdulllahi Fahiye Cabdi si soomaalida ay ugu faaideeysato fursadaha ganacsi ee yaala dalka Zimbabwe.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA