Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo shaaciyay in uu dhawaan ku laabanayo furumaha hore ee Dagaalka lagula jira A,S

Axad Nofembar 26, 2023 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’antahay in dalka guud ahaan laga xoreeyo A,s ,waxa uuna sheegay Madaxweynaha in soomaaliya oo an laga sifeeyn kooxdaasi aan la gaari kari amni iyo xasillooni
Xasan Sheekha ayaa sheegay in uu dhawwaan ku laaban doono furimaha dagaalka, si loo sii dardargaliyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda A.s uu tilmaamay in qatar ku yihiin xasilloonida dalka
“Waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka si aan u sii hogaamiyo howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa sii raaciyay in cadawga ummadda soomaliyeed ay yihiin A.s uu tilmaanay in ay banneeysteen dhiigooda iyo hantidooda intaba,ayna waajib tahay in guud ahaan dalka laga sifeeyo,si dalka uu u gaaro hormar waara
Ciidanka qalabka sida ayuu Madaxweynuhu ku boggaadiyay dagaalka naf hurnimada leh ay ku jiraan,isagoona faray in lasii laba jibaaro howlgallada ka dhanka ah A.s si inta dhiman looga xoreyo dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA