Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

$10,000 oo lagu abaalmarinayo ciddii keenta xogta Nin toogtay 3 arday oo Falastiiniyiin ah.

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Abaalmarin lacageed ayaa la dul-dhigay qofka soo gudbiya xogta Nin baxsad ah oo toogasho wadareed u geystay 3 Arday oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Dalka Mareykanka si loogu ciqaabo fal-dambiyeedkaas uu geystay.

Ururka u dooda Xuquuqda Muslimiinta Dalka Mareykanka ayaa sheegay in abaalmarin lacageed oo dhan $10,000 la guddoonsiin doonno ciddii fududeysa ama keenta xogta Ninkaas baxsadka ah ee toogashada bareerka ah u geystay Muwaadiniinta u dhashay Falastiin.

Ardayda la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Hisham Awartani, Tahseen Ahmed iyo Kinnan Abdalhamid waxaana lagu toogtay meel u dhow Jaamacadda Vermont Campus xili ay u socdeen in ay soo casheeyaan.

Golaha Xiriirka Mareykanka & Islaamka ee loosoo gaabiyo CAIR ayaa ku booriyay muslimiinta in ay ka feejignaadaan xaalad weliba oo ka dhalan karta dhibaatooyinka ay geysanayaan Dadka baxsada fal-dambiyeedka kaddib.

War kasoo baxay Xafiiska CAIR ayaa lagu sheegay in wadashaqeyn buuxda ay kala dhaxeysa Hay’adaha Ammaanka iyo waaxda dabagalka dambiyada si looga hortago wax weliba oo dhibaato ku ah Bulshada Dalkaas ku nool.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA