Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Basaas hore oo Israa’iil-Maraykan ah oo soo jeediyay in la aamusiyo qoysaska maxaabiista Israa’iil

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Jonathan Pollard, oo ah Yuhuudi Maraykan ah, horena u ahaa falanqeeye sirdoon oo ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, ayaa ku baaqay in la aamusiyo oo la xiro qoysaska maxaabista Israa’iil ee ay haystaan Xamaas.

Pollard, oo hore u ahaa basaas ka faai’deystay xilkiisa si ugu shaqeeyo danta Israa’iil, ayaa sheegay in qoysaska maxaabiista Israa’iil la xiro si loo aamusiiyo, islamarkaana laga hortago in boorarka sawirrada maxaabiista la suro waddooyinka.

Wuxuu ku daray: “Markii Israa’iil ay ku dhawaaqday dagaal, dowladdu waxay ahayd inay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah oo qaran, oo ay ku dhahdo dhammaan qoysaska maxaabiista, ama afkiinna xira haddii kale annaga ayaa xiraynaa.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ahayd in dowladda Israa’iil ay ka hortagto qoysaska maxaabiista in ay faragelin ku sameeyaan hab maamulka dagaalkan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA