Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Daaf Furay Hiigsiga Qaran ee 2060 ka

Muqdisho, Nofeembar 27, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

 

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda”.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

 

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

 

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

DHAMMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA