Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey ayaa markii u horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF.

Maadey ayaa meesha ka saaray cabsida burbur uu horseedo khilaafka mudada dheer ka dhex jira gudaha ururkiisa, kaasi oo uu sheegay in uusan waxba u dhimeyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii halganku socday kolba qolo ayaa go’aysay oo ururka ka baxaysay, waa un qayb halganka kamid ah markaa halgamayaasha in isbaddelku ku dhaco waa un wax dabiici ah, qofku ikhtiyaarkii ayuu ururka ugu jiraa,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Waxa uu intaas kusii daray “Midnimada waan jecelnahay walaalaheen naga tagay waanu jecelnahay oo waanu soo wada halganay laakiin way naga leexdeen, balse geediga halganku wuu soconayaa ONLF-na shaqsi ka tagay iyo qof dhibaateeyay waxba uma noqonayso.”

Maadey ayaa sidoo kale waxa ka hadlay waxa ka hirgalay heshiiskii iyaga iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay ka dhaqan-gelisay oo keliya xabad joojinta.

“Heshiiska inaga iyo Itoobiya waxay Itoobiya ka hirgalisay kaliya xabad joojinta, balse qodobadii kale oo ay kamid ahaayeen dib u dejinta ciidanka aysan waxba kama hirgalin illaa hadda,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA