Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Deni oo markii ugu horraysay ka hadlay xiisadaha kacsan ee ka jira magaalada Garowe

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu garowsan yahay saamaynta iyo walaaca ay dadku ka qabaan xiisadaha magaalada Garowe ka jira ee ka dhashay is haynta maamulkiisa iyo kooxaha mucaaradka.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in aad loo buun buuniyay xaaladda nabad galyo, isagoo sheegay in dadka lagu qixiyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulsahda, wuxuuna sheegay inuu ka walaacsan yahay dhibaatada ay dhaliyeen.

Deni wuxuu sheegay in dad reer Puntland ay u istaageen xaaladda sidii loo dajin lahaa. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in is-afgaran waa kaste iyo khilaaf walba oo jira lagu xalliyo wadahadal iyo nabad.

Madaxweyne deni wuxuu sheegay haddii hadda lagu guulaysan waayo doorashada qof iyo cod, in ay adkaan doonto in mar dambe la qabto, isagoo tilmaamay inay dhimanayso kalsoonida bulshada.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA