Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yemen oo gantaalo Blastic ah ku weeraray markab dagaal oo Mareykanku leeyahay

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Mareykanka ayaa sheegay in labo gantaal oo Balaastik ah oo ka yimid Yemen ay ku dhaceen meel 10 mayl u jirta mid ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in labo gantaal oo ballistic ah, oo horey loo sheegay in laga soo riday deegaanada Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan, ay ku dhaceen meel 10 nautical miles (18.5km) u jirta markab Mareykanka laga leeyahay, kaasoo ka jawaabayey qeylo dhaan uu soo diray markab ganacsi oo marayey Gacanka Cadmeed kaasoo la doonayey in la afduubto.

“Ma jiro wax khasaare ah ama dhaawac ah oo soo gaaray labada markab inta uu shilkan socday,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Mareykanka.

Markabka ayaa la sheegay inuu helay fariin murugo leh oo ka timid markabka xamuulka ee la weeraray taasoo keentay in diyaaradda Maraykanka ee USS Mason ay ka jawaabto

“Waxaan fashilinay afduubkii la damacsanaa, waxaana xirnay kooxihii weeraray markabkaas oo ay leeyihiin qoyska reer Israel ah, ragga la xiray waxay ka koobnaayeen 5 nin oo hubeysan, kuwaasoo watay doon yar oo kuwa dheereeya ah” ayaa lagu war ka soo baxay waaxda gaashaandhiga Mareykanka.

Central Park oo ah markabka ay badbaadiyeen ciidamada Mareykanka ayaa sida kiimiko gaareysa (19,998 metrik ton), waxaa maamula Zodiac Maritime Ltd, oo xarunteedu tahay London, waxaana iska leh shirkada maaraynta maraakiibta caalamiga ah oo ay leeyihiin qoys reer Israel ah .

Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambaysay ee weeraro xiriir ah oo ka dhacay biyaha bariga dhexe tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas 7-dii Octobar.

Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran ayaa dhowaan badda Cas ku qabsaday markab xamuul oo laga leeyahay Israel, kaasoo marayay koonfurta badda cas todobaadkii hore.

Kooxdan oo sidoo kale gantaalada ballistic-ga ah iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee aan duuliyaha lahayn ku garaacday Israa’iil, ayaa wacad ku martay inay beegsan doonaan maraakiibta Israa’iil leedahay ee maraya gacanka cadmeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA