Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Burcad badeed Soomaali ah oo weerartay markab laga leeyahay Israa’iil

Talaado November 28 2023 {HMC} Isku-dayga afduubka markab ganacsi ee marayay gacanka cadmeed maalintii Axada ayaa u muuqda mid ay ka danbeeyeen burcad badeed Soomaali ah oo hubaysan, balse ma ahayn in Xuutiyiinta Yemen, inkasta oo ay gantaalo kasoo rideen dhulka ay Xuutiyiinta ka taliyaan ee Yemen, sidda uu sheegay Pentagon-ka Isniintii.

“Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha ugu horreeya ayaa ah in shantan qof ay ahaayeen Soomaali, waxaana uu intaas sii raaciyay Sida cad waa dhacdo la xiriirta burcad-badeednimada” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder.

Dhanka kale, dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaddiyadan. Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka ayaa ka jawaabay qaylo-dhaan murugo leh oo Axadii ka soo yeeray markabka kiimikada qaada ee Central Park.

Weerarka Kooxda geysatay ayaa lagu hor-istaagay markabka dagaalka ee uu leeyahay Maraykanka kaas oo lagu magacaabo Mason, sida ay sheegeen militariga Dalka Maraykanka, waxaana badqaba hormuudka Markabka Central Park iyo shaqaalihii la socday.

Marka laga tago isku daygan fashilmay ee ay wadeen bur-cad Badeeda Soomaaliya ayaa Waxaa jiray weeraro xiriir ah oo ka dhacayay biyaha bariga dhexe tan iyo markii uu Bilaawday dagaalka u dhexeeyo Israa’iil iyo kooxda Xamaas ee reer Falastiiniyiinta 7-dii October ee sanadkan.

Talaabadan Isku dayga afduubka markabka ayaa daba socday afduub ay Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ku qabsadeen markab xamuul oo xiriir la leh Israel, kaasoo marayay koonfurta badda cas todobaadkii hore. Central Park waa doon qaada shidaalka kaas oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime Ltd, oo xarunteedu tahay London hoostagana shirkad maaraynta maraakiibta caalamiga ah oo ay leeyihiin qoyska Israel Ofer.

Markabkan ay weerareen Burcad badeedka Soomaalida oo sitay calanka Dalka Liberia ayaa la dhisay Sanadkii 2015, waxaana iska leh shirkadda Clumvez Shipping Inc, sida ku cad xogta LSEG.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA