Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Xulka Qaranka Soomaaliya oo guul weyn ka gaaray dhigooda Wadanka Suudaan

Talaado November 28 2023 {HMC} Waxaa goordhaw soo idlaatay ciyaar u dhaxeysay xulalka qaranka wadamada Suudaan iyo Soomaaliya ee 18 jirada ah, taasoo ka mid aheyd kulan ka tirsan koobka Bariga iyo bartamaha Afrika.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa dhiggooda xulka dalka Suudaan ugu awood sheegtay 3-0 gool 90kii Daqiiqo ay socotay Cayaarta .

Ciyaaryahanada xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo aanan horay looga baran oo rajo weyn galisay dadka Soomaaliyeed in markale Soomaaliya koobkaan ku guuleysan karto.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga Hambalyeysay guusha xulka qaranka 18 jirada dalkeena ay maanta ka gaareen dhigooda dalka Suudaan.

“Soomaali baad u tahay Guul. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka qarankeenna oo sadex Gool iyo Ebar (3-0) kaga adkaaday xulka qaranka Sudan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Kulankan ayaa Soomaaliya u noqonaya kulankii labaad, waxaana kulankaan kii ka horeeyay ay lasoo Ciyaareen xulka dalka Rwanda oo guul dirqi aheyd ka gaaray xulka Soomaaliya oo kulankaas ku ciyaareyay 10 ciyaartooy kadib markii uu kaarka casaanka ah uu qaatay ciyaaryahan ka mid ahaa xulka qaranka Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA