Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Soomaaliya oo soo bandhigtay Odoyaashii ugu waa waynaa Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Talaado November 28 2023 {HMC}  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay labo kamid ah odayaashii ugu waa weynaa ee kooxda AS u qaabilsanaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

 

Odayaashan oo lagu kala macagaacabo Axmed Cali Gadaf iyo Cali Xasan Geeddi ayaa isku soo dhiibay hay’adaha ammaanka ee dowladda, iyaga oo kasoo goostay kooxda as.

 

Labadan oday dhaqameed ayaa u dhexeyn jiray AS iyo shacabka, waxayna sidoo kale ay uruuri jireen lacagaha ay rabto kooxda iyo ciidamada ay ka doonayaan deegaanka.

 

“Annaga waxaan ahayn odayaal dhaqameed oo as iyo dadka u dhexeeya xoolo waa naloo diraa, ciidamo waa naloo diraa waana ka keeni jiray dadka ” ayuu yiri Geeddi.

 

Sidoo kale Axmed Cali Gadaf oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ka howlgeli jiray deegaanka Cowswayne oo dhawaan uun lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib weerar ay kusoo qaadeen As, wuxuuna sheegay inuu ximli waayey dhibaatooyinka ay haatan wajaheyso kooxda, uuna sidaas uga soo tegay.

 

“Waxaan kasoo kacay oon ka imid degmada Ceeldheer, meel ka tirsan oo la yiraahdo Cowswayne, waxaana uga soo tegay Nabadoon u dhexeeya nimanka meesha jooga oo AS ah iyo shacabka ayaan ahaay, waxaana ogaaday inaanan xamili karin arrintaas, waxaan go’aansaday inaan kasoo tago oo isku soo dhiibo dowladda” ayuu yiiri Gadaf.

 

Waxaa kale oo uu yiri “Haddii aan Xamar imid waxaan la xiriira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waana la ii geeyay dowladda gacanta la ii geliyay, mana la kulmin dhibaato”.

 

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray odayaasha kale ee weli jira AS, isaga oo ugu baaqay inay isaga soo baxaan, iskuna soo dhibaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

“Waxaan anigu arkay inay ila arkaan ayaan rabaa wixii iga dambeeya, aniguna soo dhaweyn ayaan arkay iyo dowladnimo” ayuu mar kale yiri Nabadoon Gadaf.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA