Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Isra’il iyo Xamaas oo dheereeyay muddada xabbad-joojinta

Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Isra’il iyo Xamaas ayaa Isniinti shalay isla ogolaaday in muddo laba maalin oo dheeraad ah ah lagu kordhiyo heshiiski xabid-joojinta afarta maalin ahaa oo ku ekaa xalay.

Muddo kordhinta heshiiskan xabbad-joojinta oo ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah, waxaa kale oo la filayaa in arrintani ay suuragiliso sii deynta dadka ay labada dhinac kala hayaan.

33 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ay xalay sii deysay Israel ayaa aroornimadi hore ee saaka oo Talaada ah gaaray bariga Qudus iyo magaalada Ramallah ee ku taalla Daanta Galbeed.

Baski waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel ayaa marki uu soo galay waddooyinka Ramallah la kulmay sacab iyo qeylo farxadeed oo ay kusoo dhaweeyeen Falastiiniyiinta Ramallah.

Dhanka Israel, ilaa 11 Israa’iiliyiin ah oo isugu jiray dumar iyo carruur oo ay sii daayeen Xamaas ayaa xalay gaaray Israel. Tiradaasi ayaa ka dhigtay Israiliyiinta ay sii deysay Xamaas ilaa iyo hadda in ay gaarayaan 51 iyo 19 kale oo isugu jiray muwaadiniin kasoo jeeda dalal kale. Halka Falastiiniyiinta la sii daayay ay yihiin 150.

Labada maalin ee lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta oo kala ah Talaadada maanta ah iyo Arbacada berrito ah ayaa laga raja qabaa, in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo dad ah. Sidoo kale gargaar bani’aadannimo oo dheeraad ah ayaa la filayaa in la geeyo Marinka Gaza.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA