Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mucaaradka oo soo jeediyay in fursad la siiyo dadaalada Isimmada SSC-Khaatum

Talaado November 28 2023 {HMC}  Dallada mucaaradka Puntland ayaa soo saartay bayaan ay kaga jawaabayso tallaabadii uu qaaday madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo shalay magacaabay guddi heer wasiir ah oo dhexdhexaadinaya maamulka talada haya iyo mucaaradka.

Balse mucaaridka ayaa lahaa aragti taa ka duwan oo xal nabadeed loogu heli karo qalalaasaha siyaasadeed ee Puntland ka taagan, iyagoo ku soo jeediyay bayaanka in fursad la siiyo dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan Isimmada SSC-Khaatumo.

”Dalladdu waxay soo jeedinaysa in fursad la siiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin isimmada SSCKhaatumo, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Qurbo-joogta, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka.” ayaa lagu
sheegay.

Xeeldheerayaasha u dhuun daloola siyaasadda Puntland ayaa ku tilmaamay jawaabta mucaaradku inay tahay diidmo ka dhan ah baaqii aan daacadda ahayn ee Dani, sida ay ku sifeeyeen Mucaaradku.

Mucaaradku waxa ay sidoo kale ku baaqeen in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto, iyaga oo ugu baaqay shacabka iyo dhinacyada ay khusayso inay u diyaar garoobaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA