Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

RW Xamse oo Geeyay Safiirrada Turkiga, Shiinaha iyo Wakiilo ka socdo Xafiiska QM ee Soomaaliya Goobaha ay Deegaansadeen dadkii Ka barakacay Fatahaada ku dhufatay Jubbaland.

Kismaayo, Nofeembar 28, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa geeyey Safiirrada Turkiga, Shiinaha iyo Xafiiska Qaramada ee Soomaaliya goobaha ay ku sugan yihiin dadka ka soo barakacay roobabka iyo daadadka ka jira deegaannada Jubaland ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo, si ay ula arkaan baaxadda dhibaatada ay daadadku geysteen.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Xafiiska Qaramada Midoobey sida degdegga ah ee ay ku soo gaareen deegaanka oo uu ugu yeeray.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in mid ka xanuun badan dhibaatadan iyo duruuftan ay la nool yihiin kumannaan qoys oo wali ku go’doonsan dhulka daadadku ay xireen, kuwaas oo u baahan samatabixin degdeg ah.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey dowlad goboleedka Jubaland gurmadka ay u fidiyeen dadka soo barakacay iyo dhulka ay u qorsheeyeen, waxa uuna xusay in baaxadda dhibaatada dadka soo gaartay ay ka xoog badan tahay awoodaha maxalliga ah, isagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan gurmadka iyo samatabixinta.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashada kaddib, kulan la qaatay Safiirrada Turkiga, Shiinaha, Xafiiska Qaramada ee Soomaaliya iyo hey’adaha gargaarka oo Khadka fogaan aragga uga qeyb galay, si wadajir loogu istaago gurmadka dadka ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.


—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA