Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra’isul Wasaare Xamse oo Bulshada Kismaayo kala hadlay Dagaalka AS

Talado Nofembar 28 2023 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo jeediyay in ay doorkooda ka qaataan abaabulka iyo isku daba-ridka dhaqdhaqaaqyada lagu doonayo in lagu qabto deegaannada ay joogaan ‘AS’ sida uu yiri.

“Reer Jubbaland waxaa laga rabaa in ay u diyaargaroobaan in dalkaan la xorreeyo, in hubka la qaato oo la iska dhiciyo raggaas oo naf iyo maal loo huro, waxa aan rabnaa in aad isku diyaarisaan oo hubka la qaato iskana dhicisaan” RW Xamsa Cabdi Barre.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda ay ciidamo military ah geyneyso Deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland si ay u xoojiyaan askarta haatan ku sugan Magaalooyinka gacanta Maamulkaas ku jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Waxa uu Shacabka ugu baaqay in ay garab istaag u muujiyaan ciidamada howlgallada galaya si ‘AS’ looga qabsado deegaannada ay ka joogaan Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay keeni doontaa ciidan Militari ah oo xoojiya kuwii horay usii joogay oo dagaalka dhinacooda ka gala, Jubbaland waxaa looga baahan yahay in Ciidamada Booliiska qaybta weyn ay ka qaataan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW Xamsa Cabdi Barre.

Tallaabada ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland kordhinaya ayuu Ra’iisul Wasaare Xamsa ku sifeeyay in ay ku xiran tahay in la isku furo waddooyinka kala xirxiran ee Gobollada Jubada Hoose, Jubada Dhexe & Gedo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA