Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Saciid DENI ‘oo meesha ka saaray’ arrin faaftay oo la xiriirta khilaafka DF Soomaaliya

Talaado November 28 2023 {HMC}  Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi cusub bixiyay ayaa ka hadlay khilaafka maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni oo wareeysi Bixiyay  ayaa waxa uu marka hore meesha ka saaray in gebi ahaanba meesha ka baxday wada-shaqeyntii Puntland iyo dowladda dhexe, taasi oo si weyn u faaftay kadib markii Puntland ay kal hore sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan oo kale.

Waxa uu xaqiijiyay in wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo maamulka aysan si toos ah u kala go’in, hase yeeshe ay dowladda Muqdisho isku hayaan arrimo masiiri ah oo ay tahay in loo maro waddo saxan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedka Puntland wada-shaqeyn kala la’aan ah kala go’ ah majirto, waa la wada shaqeeya, laakiin qawaaniinta iyo arrimaha qaarkood waa isku diidan yihiin. Hal ku dal gal ayuu leeyahay, hawada dowladda dhexe ayaa maamusha, oo immigration-ka halkan ku yaalla dowladda dhexe ayuu hoostaga, diyaaradaha imanaya iyaga ayaa soo siiya ogolaanshaha,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirarkii Golaha Wadatashiga Qarank uu uga baaqday kadib markii ay u cuntami weysay sida uu madaxweyne Xasan wax u wado, oo uu tilmaamay in uu deg deg badan ka muuqdo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la yimid mission aad u weyn oo ah in dhowr billood lagu xaliyo wixii taagna oo dhan, annagana runtii waxay nagu noqotay arrin qariib ah, waxaan maleynaynay in dowladda marka ugu horeyso in ka horreeyaan arrimaha amniga iyo arrimaha isfahmka dowladnimada iyo waxyaabo badan,” ayuu yiri.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA