Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay HowlGal lagu dilay madaxii maaliyada AS ee Mudug

Talaado November 28 2023 {HMC}  Ciidamo ka tirsan ku deegaanka ee hubka u qaatay inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab ayaa galabta dilay madaxii maaliyadda ee As u qaabilsanaa gobolka Mudug.

 

Axmed Cabdullahi Cali oo loo aqoon jiray Nadaara ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan, waxaana laga furtay mooto uu watay iyo qori AK47 ah.

 

Ninkaan oo caan ka ahaa gobolka waxaa dilay macawiisley ka baxday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana lagu dilay deegaan lagu magacaabo Carfuuda oo hoos taga Xarardheere.

 

Carfuuda oo howlgalkaan uu ka dhacay ayaa 35 KM u jirta deegaan muhiim ah oo lagu magacaabo Dabagalo, kaas oo ka mid ah deegaanada koonfurta gobolka Mudug ee kooxda AS ay weli maamusho.

 

Ninkaan waxaa laga soo furtay 100 neef oo Geel iyo Ari isugu jirta, kuwaas oo dadka deegaanka uu ka uruuriyey, waxaana ciidamada ka baxsaday dagaalamayaal kale oo sarkaalkaan ilaalo u ahaa.

 

Sidoo kale, ciidamadu waxay soo bandhigeen boonooyin uu dadka ganacsatada ah ninkaani uga qaadanayey lacago baad ah, waxaana howlgalka lagu dilay fududeeyey dad uu xoolo ka dhacay oo deegaanka Carfuuda ku nool.

 

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howlgalkaas fuliyey ayaa  sheegay in dhankooda uusan wax khasaare ah ka soo gaarin howlgalkaan.

 

Sidoo kale waxay saraakiishu sheegeen inay sii baacsanayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda oo ninka la dilay la socday, kuwaas oo ka baxsaday ciidanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA