Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Diyaarada Kenya Airways oo dib u bilaabi doonta duulimaadyadeeda Soomaaliya sanadka

Arbaco November 29 2023 {HMC} Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, ayaa shaacisay inay dib u billaabayso duullimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay magaalada Muqdisho, laga bilaabo 14-ka Febraayo, 2024.

 

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay saddex bilood ka dib markii Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis labo geesood ah oo dhinaca hawada ah, kaasoo sare u qaadeya shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo isku dayaysa inay duulimaadyo ku tagto Soomaaliya.

 

Madaxa dhanka ganacsiga iyo macaamiisha ee Kenya Airways, Julius Thairu, ayaa sheegay in tallaabadani ay la socoto ganacsiga sii kordheysa ee isu socodka hawada ee Kenya iyo Soomaaliya.

 

“Waxaan aad ugu hanweynahay in aan dib u yagleeli karno isku xirka Muqdisho iyo Nairobi. Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, anagoo ka wada shaqaynayna sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.” ayuu yiri Julius Thairu.

 

Dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo ballan-qaadka looga golleeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay gacan uga geystaan horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.

 

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Kenya Airways ayaa marar badan sheegtay inay dib u bilaabayso duulimaadyadeeda Soomaaliya, hase ahaatee weli si rasmi uma dhaqan galin arrintaas.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA