Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ingiriiska oo Turkiga u haysta gabar sinaha inay weynaysato u aaday Turkiga oo geeriyootay

Arbaco November 29 2023 {HMC} Ka dib markii ay kordheen kiisaska dhimashada ah ee muwaadiniinta dalka Ingiriiska u dhashay ee dalxiiska isqurxinta u aada Turkiga, ayaa dowladda Ingiriisku waxay ku dhawaaqday in mas’uuliyiinta Turkiga ay kala hadli doonaan xeerarka la xiriira caafimaadka iyo qalliinada is qurxinta.

Meliss Kerr, oo 31 jir ahayd, ayaa u dhimatay qaliinka misigta(sinta) ee Brazilia oo lagu sameeyay Isbitaalka Medicana Haznedar ee Istanbul sanadkii 2019-kii.

Baaritaan lagu sameeyay arrintaan ayaa muujinaya in dadka Turkiga u aada is qurxinta aan la siinin macluumaad ku filan oo ay ku ogaan karaan khatarta uga imaan karta qalliinadan.

Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Caafimaadka UK Maria Caulfiled ayaa sheegtay in dawladdu “ay arrintan u qaadan doonto si dhab ah”.

Iyada oo ka jawaabeysa warbixintii ay diyaarisay Norfolk Coroner Jacqueline Lake si looga hortago dhimasho la mid ah tan hadda dhacday, waxay ku dhawaaqday in mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ay dhowaan tagi doonaan Turkiga oo ay la kulmi doonaan dhiggooda.

Qaliinnada la isku qurxiyo waa ka mamnuuc gudaha UK, iyadoo loo sababay halista ka imaan karta.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga oo aan xiriir la sameynay kama aysan jawaab su’aalihii aan weydiinay tan iyo markii warkaan la baahiyay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA