Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Jubbaland oo lagu wareejiyay qalab sare uqaadaya wax soo saarka Calafka.

Arbaco November 29 2023 {HMC} Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaaka qeyb galay munaasbaad kooban oo lagu wareejinayay qalab loogu tala-galay in looga faa’iidaysto wax soo saarka calafka xoolaha, ayaa sheegay in agabkani uu wax weyn ka tari doono horumarinta iyo helidda calaf ku filan xoolaha deegaanka.

Mashruucan oo lagu magacaabo RAAISE PROJECT ayaa waxaa maalgelinaysa Midawga Yurub iyada oo ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adda FAO iyo Waasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubaland, ayaa xoogga saaraysa sare u qaadista Wax soo saarka Dalka ee ILED (Inclusive Locol Economic Development), waxaana looga golleeyahay in xoolaha ku nool Jubaland ay helaan daaq ku filan, maadaama ay saameyn ku yeelatay dhulkii daaqa ku haboonaa isbeddelka cimillada adduunka.

Madasha wareejinta qalabkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland mudane Mohamed Nuur Cali (Nuuraani) iyo masuuliyiin kasocday Hay’adda FAO.

Madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta wax soo saarka dalka ee dalagyada noocyada kala duwan leh.

Madaxwaynaha ayaa faray Wasaaradda Xannaada xoolaha in qalabkan looga faa’iidaysto soo saaridda calaf ku filan xilliyada jiilaalka xoolaha ku dhaqan deegaanka.

default
default

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA