Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo doonaya in uu waji ka sameysto Shacabka dulman ee Falastiin

Arbaco November 29 2023 {HMC} Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu Talaadadii uu Gargaar bani aadamnimo u diray Jamhuuriyadda Carabta Masar si looga gudbiyo Marinka Rafax iyada oo loosii gudbinaayo dhinaca Magaalada Gaza.

 

Washington ayaa damacsan in ay iska jeediso indhaha caalamka ee kusii jeeda maadaama ay Israaiil ay siisay Hubka culus ee lagu gumaaday Shacabka Magaalada Gaza, sidaas oo kale Mareykanka ayaa doonaya in uu waji ka sameysto Shacabkaas dulman.

 

Gargaarka Mareykanka ayaa isugu jiray Cunno, Sahay Caafimaad & dharka qaboobaha la xirto waxaana lagu wareejinayaa Mas’uuliyiinta qaabilsan dhinaca gudbinta gargaarkaas loogu talagalay in loo gacangeliyo Shacabka Magaaladaas.

 

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaaladaha adag ee bani aadamnimo darteed Washington ay doorkeeda ka qaadatay u gurmashada Shacabka Gaza sida uu hadalka u dhigay.

 

“Baahiyaha bini’aadantinimo ee Gaza waxay dalbanayaan in beesha caalamku ay wax badan ka qabato. Maraykanka waxaa ka go’an dadaalkan” Sidaasi waxaa yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Ninka lagu magacaabo Jake Sullivan.

 

Arrintaan ayay Dad badan ku sifeeyeen in Mareykanka uu damacsan yahay in uu dhinac kale u jiheeyo xaaladaha dagaal ee dhinaca Magaalada Gaza inkasta oo ay xabbad-joojin ay ku jiraan Xamaas iyo Israaiil oo ku howlan is dhaafsiga Maxaabiista.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA