Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay AS oo qarxisay xarun ganacsi oo ku taalla Muqdisho

Arbaco November 29 2023 {HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag, kaas oo ay jugtiisu si xoogan u maqleen dadka deegaanka.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe uu ka dhacay dukaan lagu iibiyo qalabka Spare Parts-ka baabuurta oo ku yaalla isgoyska Black Sea degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

 

Miinada ayaa la sheegay in lagu xiray, kadibna sidaas lagu qarxiyay, ayada oo falkaas lagu eedeeyay kooxda AS oo inta badan weeraro ka fuliso gudaha caasimada.

 

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa lasoo wariyay in burbur uu soo gaaray dhismaha dukaanka iyo alaabtii tiilay.

 

Sababta loo beegsaday goobtan ganacsi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya, balse waxaa dhanka kale ka horyimid kooxda AS  oo haatan bilowday beegsiga ganacsatada.

 

Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo dhawaan ka dhacay degmada Yaaqshiid, kaas oo lala beegsaday Farmashiye isna lagu xiray Kaamirada, waxaana kasii horreeyay miinooyin kale oo lagu xiray xarumo ay shirkadda Hormuud ku lahayd Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

 

Arrimahaan ayaa waxaa walaac ka muujinaya ganacsatada, maadaama ay dhexda u galeen laba dhinac oo kala ah dowladda oo ku amartay inay goobahooda ganacsi ku xiraan CCTV, halka kooxda AS  iyana dul-dhigtay amar kale oo ah in aysan ku xiri karin kaamiro.

 

“Aad ayaan uga xunahay labada dhinac waxay na leeyihiin kan fur, kana xir marka dhibaato weyn ayaan ku qabnaa labada dhinac” ayuu yiri mid kamid ah ganacstad degmada Dharkenley oo uu saameyn ku yeeshay go’aankan kadibna xiran ganacsigiisa.

 

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ammaankeeda waxa uu ahaa mid deggan, waxaana howlgallo ka wadan ciidamada dowladda Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA