Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xamza oo golaha wasiirada Jubaland kala hadlay laba arrin oo xasaasi ah

Arbaco November 29 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku saameeyeen.

Sidoo kale, kulanka waxaa xalay aad loogu gorfeeyey wajiga labaad ee dagaalka kooxda As  oo lagu wado in dhawaan laga bilaabo deegaanada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin qoto-dheer ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo.

Qodobada uu Xamza warbixintiisa isku dul-taagay waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka, gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasiirrada Jubbaland u sharaxay goobaha uu ka dhagax-dhigay tiro mashaariic ah, isagoo sheegay in kuwo kalena ay waddada kusoo jiraan.

Ugu dambeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Xamza Cabdi Barre ayaa Kismaayo ka sheegay in dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA